Marka(INO)-Mid ka mid ah waxgaradka Gobolka Shabeelada hoose oo la hadlay warbaahunta ayaa waxa uu ka hadlay Maamulka loosoo wado Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.
Xasan Xuseen Xasan Gumac oo ka mid ah Waxgaradka Shabeelada hoose ayaa weeraray hanaanka loo wado in maamul llogu dhiso Marka xilli magaalada y joogaan Maleeshiyada aan u dhalan Degmadaasi, iyadoona aan waxaba laga soo hadal qaadin heshiis ku sheegyadii Afgooye lagu gaaray.
Waxa uu ka digay in haatan lagu deg dego Maamulka Degmada Marka iyadoo aan xal laga gaarin mashaakilaadkii horay u dhcay oo weli taagan.
“Odaaga Maamulka Marka mid soconaya ma’ahan ama shaqeynaya, dagaalkii weli waa taaganyahay wax ka nsaxay malahan shirkii afgooye” ayuu yiri Xasan Xuseen xasan Gumac.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Marka