Dowladda Talyaaniga ayaa taageero ka siinaysa Dowladda Federaalka dagaalka ay kula jirto kooxda al-Shabaab oo haysata qaybo kamid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Saraakil sar sare oo ka tirsan Milateriga Talyaaniga ayaa dhowaan booqasho ku tegay Muqdisho, waxaana ay la kulmeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
Talyaaniga ayaa ballan qaaday in uu tabbabar iyo qalabayn ku sameyn doono Ciidamada Dowladda.
Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Andria Marcela ayaa kulan maalinimadii shalay Muqdisho kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheikh Axmed, waxaana ay kawada hadleen taageerada Talyaaniga siinayo Dowladdiisa.
Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa kulanka kadib warbaahinta u xaqiijiyey in arrimaha diirada lagu saaray wada hadalka uu ahaa dagaalka Al-Shabaab ay Dowladda kula jirto.
Qorshe dagaal lagu qaadayo meelaha Shabaabka ku harsan yihin ayaa la sheegaaya in uu iminka bilowday, waxaana masuuliyinta sar sare ee Dowladda Federaalka si cad u sheegay in sanadkaan uu yahay kii lagu xoreynayay wadanka.
Idale News Online