Dowlada Sierra Leone oo Ciidamo usoo dirayso dalka Soomaaliya xilli laga digayo Cudurka Ebola

0
216

Dowladda Sierra Leone ayaa sheegtay in Ciidamo Cusub usoo dirayso dalka Soomaaliya, xilli dalkaasi uu ka jiro Cudurka Dilaaga ah ee Ebola.

Teaser Image Sierra Leone oo Ciidamo usoo dirayso dalka Soomaaliya xilli laga digayo Cudurka Ebola

Safiirka dalka Sierra Leone u fadhiya dalka Ethiopia Osman Keh Kamara oo Arbacadii kula kulmay Magaalada Addis Ababa Madaxa Ururka Nabadgelyada & Amaanka ee Midowga Africa ayaa codsaday in Dowladiisa loo ogolaado ina Isbedel ku samayso Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Xukuumadiisu ay hadda mudo laga jooga Afar Bilood ay diyaarisay Ciidamo gaaraya Hal Battalion oo ay ugu tala gashay inay soo bedelaan kuwa jooga Soomaaliya ee kamidka ah AMISOM, isagoo intaasi ku daray in Ciidankaasi laga baaray Cudur Ebola.

Madaxweynaha dalka Sierra Leone Dr. Ernest Bai Koroma, ayaa sidoo kale ka codsaday Gudiga Caafimaadka Ururka Midowga Africa & WHO inay Baaritaan Caafimaad ku sameeyaan Ciidanka oo ay ka baaraan Xanuunka Virus-ka dhaliya ee Ebola, kahor inta aan loo dirin dalka Soomaaliya.

Dalka Sierra Leone wuxuu kamid yahay dalalka ku yaalla Galbeedka Qaaradda Africa ee sida aadka ah ugu jira Cudurka Ebola, waxaana dalkaasi uu kamid yahay dalalka ay Ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Midowga Africa ayaa ka joojiyay Sierra Leone inay Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya isbedel ku samayso, cabsi laga qabo in Cadurka Ebola uu ku faafo Ciidamada AMISOM.

Idale News Online, Muqdisho