Dhageyso: Gudiga Farsamada Ee Maamul U sameynta KG Soomaliya oo Beeniyay in Khilaaf uu kala Dhexeyo Odayaasha Dhaqanka

0
249

Xili Shalay Warbaahinta ay sheegtay in Khilaaf Xoogan uu ka dhashay qaabka loo sameenayo Maamulka Gobolada Koofur Galbeed ee Saddexda Gobol ayaa in Khilaaf uu jiro waxaa beeniyay Gudiga Farsamada Maamul u sameeynta Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Sayid Sheikh Daahir Afhayeenka Gudiga Farsamada oo lahadlawarbaahinta  ayaa Been abuur ku sheegay wararka tilmaamaya in uu Khilaaf soo kale dhexgalay Gudiga Farsamada iyo Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Wax Khilaaf ah nagama dhex joro Shaqadii Meel wanaagsan ayey mareeysaa Gudiga Arimahoodii waa Gabo gabo, Saddex Asbuuc kadib waxaan dhiseynaa Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya”ayuu yiri Sayid.
Sidoo kale waxaa jira in Wali Khilaafka Maamulka Koofur Galbeed ee Saddexda Gobol uu taagan yahay,maadaama Garabkii Madoobe Nuunoow aysan qeyb ka aheyn Shirka Baydhabo ee Dowladda Federaalka ay horboodeeyso.

Halkan Ka Dhageyso

rw

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.