Dowlada Mareykanka oo uga digtay Barlamaanka inay cod u qaadaan xukuumada Soomaaliya.

0
213

 Washinton(INO):Dowladda Dalka Mareykanka ayaa carabowday sida ay uga walaacsan tahay khilaafka hareeyey siyaasada dalka Somalia ee u dhaxeeya madaxda,waxana ay ugu baaqday Barlamaanka Somalia inuusan talaabo y qaadin codka kalsooni kala noqoshada xukuumada ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Afhayeen u hadashay wasarada arimaha dibada Mareykanka Jean Bisaaki ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay la socoto dhibaatada siyaadeed ee dhex maquuranayso Somalia,waxana hadlkeedi intaasi raacisay in Barlamaanka oo codka kalsoonida u qaada xukuumada aysan u qidmeen dooni maslaxadsa shacabka Soomaaliyeed.

Bisaki ayaa sheegtay in wax wafdi ah dalkeeda aysan u diri doonin shirka todobaadka soo socda ka furmaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark inta ay taagan tahay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

American-Flag

Idale News Online, Muqdisho