UPDATE: Ergadda Shirka Baydhabo oo ka hor yimi go’aanka DFS iyo qabashadda codsiga madaxtinimada oo la bilaabay

0
232

 Baydhabo(INO): Qaar ka mid ah Ergadda shirka mamul u sameynta Koonfur Galbeed Somaliya ayaa ka hor yimi go’aankii ay madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka Somalia ku hakiyeen shirkaasi mudo labo todobaad ah.

Shirka_maamulka_sameynta_Baydhabo
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Baydhabo ayaa tilmaamaya in Ergaddu ay go’aan satay in maalinka Khamiista ah la doorto madaxwaynaha mamulka ka kooban Bay, Bakool iyo Shabeelada hoose isla markasna aan dhag jalaq loo siin hadalka dowladda kasoo baxay.

Wararku waxay sheegayaan ergaddu inay sheegeen inay u madax banaan yihiin ka tashiga aayadooda ayna xaq u lee yihiin inay doortaan madaxdii hoggaamin lahayd.

Waxaa la sheegayaa in maanta oo Talaado ah la bilaabayo qabashadda codsiyadda murashaxiinta u ordayda xilka madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, taasoo meesha ka saaraysa in la qaato go’aankii dowladda kasoo baxay maalin ka hor.

Qoraalka dowladda ee ay ku saxiixan yihiin madaxwaynaha, Ra’iisul Wasaraha iyo Ra’iisul Baarlamaanka ayaa sheegaya inay muhiim tahay in shirka la hakiyo labo asbuuc si loosoo xero galiyo dadka dibadda ka joogo dhismaha mamulkan.

Diidmadda ergadda shirka Baydhabo ayaa waxay culus kale kusii noqonaysaa madaxda Villa Somalia oo markii hore beesha caalamku uu cadiid ku saaray inay dhameeyaan khilaafka dhexdooda ka taagan, waxana suurta gal ah inuu bur buro shirka ka dhici doonoo Denmark oo arrimaha New Deal dib loogu eegayo.

Docda kale Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta u ordaysa xilka madaxwyanaha mamulka Koonfur Galgeed Soomaaliya, taasoo ay sidoo kale culus ku tahay Afhayenka Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo