Daawo Video: Dowlada Mareykanka Iyo Cuba Oo Heshiinaya+

0
277

 Washington(INO)-Madaxwaynayaasha Maraykanka iyo Cuba, Barack Obama iyo Raul Castro ayaa ku dhawaaqay in Maraykanka iyo Cuba ay bilaabi doonaan wadahadalo bilaha soo socda, kuwaas oo looga gol leeyahay in dib loogu soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed.

Obama

Madaxwayne Obama ayaa ku tilmaamay siyaasadda cusub ee Cuba isbadalka ugu muhiimsan ee in ka badan muddo konton sano ah.

Halkan Ka Daawo Video.

 

Labada hogaamiye ayaa wadahadlay maalintii Tallaadada, waxayna isku raaceen dhowr tallaabo oo ay ku jiraan iswaydaarsiga maxaabiista siyaasadeed iyo dabcinta safarka iyo xayiraadaha ganacsi.

Madaxwayne Castro ayaa ku dhiirigaliyay xukuumadda Washington in ay qaaddo cunaqabatayn ganacsi iyo dhaqaale oo muddo dheer ka hor lagu soo rogay jasiiradda nidaamka siyaasadeed ee shuuciyadda lagu maamulayay.

castaro

Madaxwayne Obama ayaa ugu baaqay golaha Congress-ka dalkiisa in ay eegaan xiriirkan, isagoo yiri in siyaasadda Maraykanka ee go’doominta Cuba ay sida cad guuldaraysatay.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here