DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda Kismaayo Si Uu Soo Raali Galiyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba

0
180

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose,halkaasi oo saakay amaankeeda si aad ah loo adkeeyay. 

madaxweynaha-safar
Ciidamada badan ayaa la soo sheegaya in la dhigay magaalada Kismaayo gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha kuwaasi oo amaanka sugaya,waxayna socda qaban qaabada soo dhaweyn madaxweynaha.

Sidoo kale,saakay waxaa la xiray wadada Makal Al-mukarama gaar ahaan wadada hareer marta madaxtooyada halkaasi oo ay marayaan wafdiga uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheikh ee ku sii jeeda Kismaayo.

Lama sababaha rasmiga ee ka danbeeya aaditaanka Kismaayo madaxweynaha Soomaaliya,mana ahayn safar horey loo sii shaaciyay.

Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha uu ku dhawaaqay ra’isal wasaaraha cusub ee dalka. 

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here