Madaxweynaha dalka Kenya uhuru Kenyatta ayaa utacsiyeeyay ehalada dadkii waxyeeladu ay kasoo gaartay weerarkii magalada Mpeketoni ee dalka Kenya.
Mr uhuru ayaa sheegay in ay ciidamada Kenya jawaab kabixin doonaan weerarkaasi kadhacaya mpeketoni.
War kasoo baxay wasarada arimaha dibada mareykanka ayaa lagu sheegay in mareykanku uu cambaareenayo weerarkii shabaabku ay kuqaadeen mpeketoni.
Jen Psaki oo ah haweeneey uhadashay wasarada arimaha dibada mareykanka ayaa sheegtay “waxaynu tacsi udireenaa dadkii waxyeeladu ay kasoo gaartay weerarkaasi” ms Psaki ayaa sidaa tiri.
Mareykanka ayaa sheegay iney si dhow ula shaqeyndoonan dowlada Kenya si amaankooda ay usugaan.
Ugu yaraan 50-ruux ayaa kudhimatay weerarka shabaabku ay kuqaadeen magalada Mpeketoni.
Idale News Online, Nairobi.