Washington: Dowlada Mareykanka oo Cambareysey Weerarada Ka dhacay Dalka Keyna.

0
210

Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii al shabaab ay ku qaadeen deegaanka Mpeketoni ee dalka Kenya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawladda Maraykanku tacsi u dirayso dadkii ay eheladoodu ku geeriyoodeen weerarkaasi.

Waxa sidoo kale dawladda Maraykanku ay sheegtay inay caafimaad u rajaynayaan dadka ku dhaawacmay weerarka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in weerarada noocan oo kale ah aanay ahayn wax la aqbali karo.

American-Flag

Idale News Online, Washington.