Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose oo maanta ka bilaabanaya Baydhabo iyo Kismaayo

0
196

Baydhabo(INO)— Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhaceysa magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ah xarumaha KMG ee Maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Ergooyin laga soo kala xulay Beelaha dega deegaanada maamuladaas ayaa dooranaya Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Aqalka hoose.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay doorashada Aqalka hoose fure u tahay Doorashada Madaxweynaha ee lagu wado inay dhacdo 30-ka bishan, waxaana ay sheegeen in hadii waqtigii loogu tala galay lagu soo gaba gabeeyo doorashada aqalka hoose ay suura gal ka dhigi kato in jadwalkii doorashada aanu dib u dhac ku imaan mar kale.

Sidoo kale Guddiga ayaa ugu baaqay maamulada kale inay dedejiyaan doorashada Aqalka hoose, iyadoo Maamulka Puntland uu noqday maamulkii u horeeyay ee bilaaba doorashada Aqalka hoose.

Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday olole ballaaran oo ay wadeen Musharaxiinta Aqalka Hoose, iyadoo musharax walba uu iska diiwaan geliyay Guddiga doorashada, isla markaana uu fuliyay shuruudaha looga baahnaa iyo qidmada lacageed ee diiwaan gelinta.

Deegaanada Koofur Galbeed ayaa ah halka ugu badan ee kuraasta aqalka hoose ay ka imaan doonaan, kaasoo gaaraya illaa 69 Xildhibaan.