Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Koofur Galbeed, Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa shaaca ka qaaday in Saaka Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay ka bilaabaneyso doorashadaa Xubnaha Aqalka Hoose ee dowladda Soomaaliya u matalaya KGS.
Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka hoose ay Saaka ka bilaabaneyso magaalada Beydhabo, si loo dardar galiyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka.
Shaley ayey aheyd in magaalada Beydhabo ay ka bilaabato doorashada xubnaha Aqalka Hoose balse arimo farsamo aawgeed ayey dib ugu dhacday, waxaana la filaa in maalinimada berri ah ay ergada u dhaqaaqaan goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan xildhibaano tayo leh oo ka soo dhalaali kara waajibaadka qaran ee dalka.