Dood wadaag looga hadlaayay aaladaha ay ku wada xiriiraan Bulshada sida Facebook, Paltalk, Twitter, myspace, MSN iyo wixii lamid ah ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada ee SYAO oo soo qaban qaabiyay dood wadaagan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin, Xildhibaano, siyaasiyiin, khuburo ku taqasusay Social Media, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyow oo ka mid ah dadkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in aalaadaha bulshada ku wada xiriirto loo isticmaalo siyaabo kala duwan, isagoo tilmaamay in qaar loo adeegsado marin habaabin, halka dhinacyo badana looga faa’ideysto.
Eng. Axmed Macalin Fiqi oo ahaa Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa sheegaya in aaladahan ay dalal badan ay kacdoono ka abuureen, isla markaana siyaabo fiican iyo siyaabo qaldana loogu adeegsaday.
Saxafiga rug cadaaga ah Cali Muse Cabdi oo su’aalo lagu soo bandhigay madasha oo quseeyay saxaafada ayaa sharaxaad ka bixiyay, isagoo kula taliyay warbaahinta Soomaalida inay ka fikiraan wararka la soo dhigo aaladaha lagu xiriiro, isla markaana ay iska hubiyaan.
Intii ay socotay dood wadaaga ayaa waxaa lagu soo bandhigay faa’iidooyinka iyo qasaarooyinka ay leeyihiin aaladaha ay bulshada ku wada xiriiraan ayaa ka qeyb galayaasha waxay dhamaantood isla garteen in siyaabo badan oo xun loo adeegsaday.
Sidoo kale waxaa madasha lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumayay isticmaalka qaldan ee Social Media loo adeegsado iyo faa’idooyinka bulshada ka gaartay.
Tusaale ahaan ayaa waxaa loo soo qaatay isticmaalka qaldan ee kooxaha argagixisada u adeegsadaan Social Media, gaar ahaan marin habaabinta qaar ka mid ah bulshada, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyed eek u nool dunida Yurub, Ameerika iyo Canada.
Dhalinyaradan laga soo marin habaabiyay caalamka ayaa ku soo laabto dalka Soomaaliya iyagoo isku qarxiyo bulshada dhexdooda, sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay film documentary oo ka hadlayay dhalinyaro lagu qalday aaladaha la iskula xiriiro.
Marti sharaftii ka qeyb gashay barnaamijkan dood wadaaga ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha SYAO Maxamed Ibraahim Cali Cajiib, Tervel Okoko oo ah bare jaamacadeed ahna La taliyaha Saxafiyiinta Afrika, Maxamuud Cali Ugaas C/lle, C/qaadir Dhaqane, Sayid Cali Mareeyihii hore ee Dekada Muqdisho, Shukri Afrax oo ah Saxafiyad Rug cadaa ah, Siyaasiga C/nur Darmaan, Xildhibaan Salaad Cali Jeele, Qunsulka safarada Somaliya ee kenya Siyaad Maxamud Shire, Wariye Fahad Yasiin oo katirsan TVga Al Jazeera, Gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub iyo Marti sharaf kale oo ka kala socday qeybaha bulshada.
Idale News Online Mogadishu