Diyaarado duqeymo xoogan ku garaacay Deegaanka Kalabeyrka ee duleedka Magaalada Garbaharey.

0
184

Wararka inaga soo gaaraaya Magalaada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in duleedkeeda ay galabta duqeymo xoogan ka geysteen, diyaarado nooca dagaalka ah.

Duqeymaha, ayaa waxay ka dhaceen Deegaanka Kalabeyrka, oo ku yaala inta u dhaxeyso Birta Dheer iyo Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo. Haddii si kalana loo dhigo Kalabeyrka waxay 20km u jirtaa Magaalada Garbahaarey.

Deegaanka xagga cirka ah ee laga duqeeyay, ayaa waxaa fariisimo ballaaran ku leh Ururka Al Shabaab, oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka waday dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo xoogan.

Shabaabka, ayaa waxay isbedel ku sameeyeen Ciidankii horey uga joogay Deegaanka Kalabeyrka, iyagoona geeyay Ciidan kaloo ka tiro badan, sidoo kalana waxaa lagu arkaayay gaadiidka dagaalka oo tobaneeyo ah.

Deegaankaan la duqeeyay, ayaa waxay Shabaabku ka difaacanayeen gacan ku heynta Degmada Buurdhuubo, oo qiyaastii ilaa 40km u jirta Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey.

Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al qaadi), ayaa Dhacdo.com u sheegay in duqeymahaan ay ka dhasheen khasaaro buuran, sida ay ku helayaan xogta, laakiin ay dib ka soo faah faahin doonaan, inta uu le’eg yahay khasaaruhu.

Sheekh Isaaq Xuseen Mursal, Xoghayaha Gaashaandhiga ee Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, oo la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay in Deegaanka la duqeeyay ay muddo dheer, isku hor fadhiyeen Ururka Al Shabaab.

Duqeymaha lagu asqeeyay Deegaanka Kalabeyrka oo Birta Dheer ku dhow, ayaa ku soo aadayaa, iyadoo Ciidamada Dowladda Somaliya, Ahlu Sunna iyo Itoobiya, ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Gobolka Gedo.

Diyaarad Dagaal.

Idale News Online, Gedo