Muqdisho (INO)—Warar dhaaraad ah ayaa laga helayaa Diyaarado Dagaal oo Duqeymo xoogan ka fuliyay soohdinta kala qeybisa Gobolada Sh.Hoose iyo Sh.Dhexe, iyadoona aan la ogeyn halka laga leeyahay Diyaaradahaasi weerarka geystay.
Weerarkan Duqeynta ahaa ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Maseerey oo gacanta ay ku hayaan Xarakada Al Shabaab.
Duqeyntan ayaa sida la sheegayo waxaa ku dhintay Xoolo badan iyo sidoo kale Dad xoolo dhaqato ahaa oo ku sugnaa Degaanka Maseerey.
Ujeedka Weerarkaasi ayaa lagu micneeyay in uu ahaa Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan Degaanka Maseerey.
Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi laga fuliyay soohdinta kala qeybisa Gobolada Sh.Hoose iyo Sh.Dhexe.
Shalay ayee aheyd markii Diyaarado Dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay Dalka Mareykanka ay Duqeymo xoogan ka fuliyeen Degaano ka tirsan Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay