Nairobi(INO)— Diyaarad ka duushay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta Air Port ee magaalada Nairobi, iyadoo muddo saacado ah la hakiyay howlihii duulimaad ee garoonkaas.
Diyaaradan ayaa shil ku gashay wadada Run-wayga ee ay diyaaradaha soo caga dhigtaan gelinkii dambe ee shalay.
Saraakiisha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay ay si deg deg ah garoonka ugu soo degtay, iyadoo la sheegayo inay jirtay cilad u saamixi weyday inay taayarada ama lugaha u soo baxdo.
Diyaaradan ayaa markii ay soo dageysay u bixi waayeen taayarada, iyadoo caloosha ama xabadka dhigatay wadada Run-wayga ee ay diyaaradaha ku soo degaan.
Maamulka Garoonka ayaa sheegay in afar qof oo saarna diyaarada aanay waxba ka soo gaarin shilkaas, balse waxaa la hakiyay howlihii garoonka, iyadoo diyaarado ku soo degi lahaa loo weeciyay garoonka diyaaradaha Mombasa iyo garoomada kale.
Diyaaradihii rakaabka ahaa ee ku sugnaa garoonka Joma Kenyatta Air Port ayaa saacado dib u dhacay, waxaana ay ku qaadatay waqti illaa diyaarada shilka ku gashay wadada Run-wayga laga qaadayay.