Wararka naga soo gaaraya dhanka Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in lagu qaarijiyay dad rayid ah.
Dilka ayaa waxaa loo geystay inta la ogyahya ku dhawaad Afar ruux kuwaasoo la qaarijiyay xilli ay Saakay Aroornimadii u kalahayeen goobahooda shaqo.
Sida ay wararku sheegayaan Dadka la dilay ayaa waxa ay ahaayeen xoolo dhaqato kusii jeeday Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi,kuwaasi oo ka yimid dhanka miyiga ah.
Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma xaqiijin Kooxihii ka dambeeyay dilka Xoolaaleydaasi kasoo jarmaaday Miyiga, waxaana saakay Jowhar ka socdo baaritaano lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyay falka lagu qaarijiyay Raggaasi.
Idale News Muqdisho