Boliska Dalka Namiibiya oo jeelka dhigay Muwaadiniin Somali ah. (Akhriso sababta)

0
196

fefere

Dowladda Namiibiya ayaa waxa ay jeelka dhigtay ku dhawaad 3-Saddax Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay in xuduudka dalkaasi ay uga soo talaabeen si aan sharci aheyn.

Saddaxda Ruux ee Soomaalida ah ayaa waxaa lasoo taagay Maxkamadda dalkaasi iyadoona lagu riday amar ah inay jeelka kusii jiraan ilaa iyo amar dambe sida ay daabacday Warbaahinta dalkaasi.

Muwaadiniinta Saddaxda ah ayaa waxa ay gacanta Ciiddamadda Nabad ilaalinta Dalkaasi galeen Todobaadkii lasoo dhaafay hayeeshee waxa ay u gudbiyeen dhanka Maxkamadda isla markaana aan si rasmi ah loo ridin xukunkooda.

Ugu dambeyntii, Warbaahinta dalkaasi ayaa waxa ay daabaceen in Dhalintaasi Saddaxda ah ay gacanta Ciiddamadda galeen xilli ay ka yimaadeen dhinaca dalka Koonfur Afrika oo dhawaan tacaddiyo loogu geystay dad Soomaali ah oo halkaasi howlo Ganacsi u joogay.

Idale News Muqdisho