Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India

0
236

Dehlhi(INOL) — Labaatan dublamaasi oo Soomaali ah ayaa tababar loogu soo xiray shalay oo Jimco ahayd magaalada New Dalhi ee xarunta dalka Hindiya, tababarkan oo socday muddo soddon casho ah.

Dublamaasiyiintan ayaa waxay ka tirsan yihiin wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana tababarka loogu qabtay machadka dublamaasiyadda ee (Foreign Service Institute), iyagoo qaatay casharo la xiriira arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, caafimaadka iyo tiknolojiyadda.

Mr Anil Wadhwa oo ah kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Hindiya ee arrimaha Bariga ayaa ka sheekeeyay xiriirka qotada-dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Hindiya, isagoo xusay in Hindiya ay garab-taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, diyaarna u tahay gudbinta waaya-aragnimada iyo aqoonta maamul.

Sidoo kale, Ms Nengcha Lhouvum oo ah agaasimaha machadka dublamaasiyadda (FSI) ayaa iyadana sheegtay in kooraska la siiyay dublamaasiyiinta Soomaalida uu ahaa mid heerkiisu sarreeyo oo lagu barayay xiriirka caalamiga, qaanuunka dowliga ah, horumarinta iyo dhamaan arrimaha la xiriira dublamaasiyada, iyadoo ku ammaantay dublamaasiyiinta sida wacan ay uga qayb-qaateen tababarkan.

Ugu dabmeyn, munasabaddan oo si heer sare ah u dhacday ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay dublamaasiyiintii Soomaaliyeed ee tababarku u dhamaaday shahaadooyinkii tababarka.

Idale News Online, New Dehli

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here