Mandheera(INO) — Booliiska Kenya ayaa magaalada Marsabit ka qabtay dhakhtar lagu tuhunsan yahay inuu xubin ka yahay Xarakada Alshabaab ee Soomaaliya.
Dhakhtarkan oo lagu magacaabo, Yaqub Cabdi Cumar oo 29-jir ah ayaa la xusay inuu asalkiisu yahay Soomaali, xiritaankiisan ayaa ka dambeeyay kaddib markii uu booqday isbitaalka Marsabit County Referral, isagoo ay la socdaan dhallinyaro koox ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin Al-shabaab.
Madaxa baarista dambiyada ee Mersabet, Bernard Barasa ayaa sheegay inay raadinayaan saddex ruux oo kale oo lagu tuhunsan yahay inay dhakhtarkan ku wehlinayeen booqashada uu ku yimid isbitaalka magaaladooda.
Sidoo kale, sarkaalkan ayaa intaas ku daray in kooxdadn dhallinyarada la tuhunsan yahay ay booqdeen isbitaalka saq-dhexe, kaddib markii ilaalada isbitaalka ay isugu sheegeen inay booqanayaan bukaan isbitaalka jiifa.
Taliyaha baarista dambiyada ee deegaankaas, Barasa ayaa xusay in qofka ay hayaan uu deggen yahay Magaalada Nairobi dhawaana ku soo laabtay Marsabit si uu waalidkiis u soo booqdo.
Dhanka kale, baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ayaa la sheegaya in ragga kale ee la tuhunsan yahay ay ka mid yihiin dadka deggen magaalada Marsabit; asalkooduna yahay Soomaali.
Barasa ayaa sheegay in kooxdan argagaxisada ah ay weydiiyeen hooyooyinka ku umulay isbitaalka iyo kuwa kalaba magacyada ay u bixinayaan carruurtooda, iyagoo u ballanqaaday inay kusoo laaban doonaan oo ay hadiyado u keenayaan kahor inta aysan qeybta bukaanka ragga u gudbin.
Waxaa kaloo la sheegay in kooxdan dhallinyarada ah oo dhakhtarka la socotay ayaa la sheegay inay galeen qaybta bukaannada ragga ah ay jiifaan, kaddibna ay weydiiyeen diinta ay haystaan.
Ugu dambeyn, Bernard Barasa ayaa sheegay in raggan ay tuhunsan yihiin ay u sheegeen bukaanada isbitaalka ku jira inaysan ka quusan nolosha ayna dib ugu soo laaban doonaan.
Idale News Online, Mandheera