Gudoonka Baarlamaanka ayaa maalinta berri dib u dhigay dooda mooshika laga keenay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoo la soo xiray kulanka.
Kulankan oo jawi deganaan ku furmay ayaa waxaa laga hor aqriyay mooshinka ka dhank ah Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo aqriyay warqadka mooshinka, isagoo ku eedeeyay Xukuumada inay ku fashilantay dhamaan waxyaabihii loo igmaday, balan-qaadyo ay sameysay ka soo bixi weysay.
Ilaa 248 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay Kulanka, waana tiradii ugu badneyd ee mudooyikan timaada fadhiyada baarlamaanka, iyadoo kulanka maanta uu ahaa mid aad xasaasi u ahaa, si aad ah isha loogu hayay.
Xildhibaanada taageersay Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday Gudoonka in dooda mooshinka dib loogu dhigo maalinta berri, si ay u soo aqristaan qoraalka ay ku saxiixan yihiin Xildhibaanada oo qaarkood la sheegayo in kuwa saxiixay aanay dalka joogin.
Ilaa 83 xildhibaan ayaa iska diiwaan gelisay inay hadlaan, iyadoo Gudoonka baarlamaanka uu dalbaday in berri 9-ka subaxnimo la isugu yimaado kulanka, si dooda loo guda galo.
Xildhibaanada mooshika ka keenay Ra’iisul Wasaaraha ayaa daneynayay in maanta cod loo qaado, hase ahaatee Gudoonka uu amray in dooda berri la geli doona, marka uu soo dhamaadana codka la qaadi doono.
Intii uu socday Kulanka ayaa waxaa la dhaariyay Koox ka tirsan Howl wadeenada baarlamaanka oo la soo xulay, kuwaasoo tiriaya codka loo qaadayo Xukuumada.
Dooda maalinta berri ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa noqon doonta mid xasaasi ah, waxaana laga yaabaa in maalmo ay qaadato, iyadoo Xildhibaanada yihiin kuwo kala qeybsan.