Xildhibaanada Barlamaanka ayaa maanta u balansan mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Fadhiga Barlamaanka ayaa ah mid si weyn bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba ay u dhowrayaan iyagoo eegaayaan waxa dowladaan rasmiga ah ugu duwan tahay dowladii kmg ahaa ee khilaafyada noocaan oo kale ay hareeyeen.
Xildhibaano gaaraayo 168 mudane ayaa horey gudoonka barlamaanka ugu gudbiyey mooshin looga soo horjeedo ra’iisul wasaare Saacid kuwaasoo ku eedeeyeen ra’iisul wasaaraha waxqabad daro muddadii sanadka aheyd ee ay jirtay xukuumadiisu.
Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa isagu kulankii hore ugu sheegay xildhibaanada in sabti maanta ah ay xildhibaanadu ka arrinsadaan mooshin laga soo gudbiyey ra’iisul wasaaraha.
Lama garan kara waxa xaalada barlamaanku maanta noqon doono, hase ahaatee waxaa muuqata in khilaafka soo jiitamaayey ee hakiyey howlaha dowlada federaalka uu yaalo halkii ugu dambeysey ay ku kala bixi lahaayeen labada masuul ee khilaafkooda diiday in si hoose u xalistaan.
Idale News Online.