Baydhabo(INO)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beydhabo Ee Xaruunta G/Bay Waxa ay sheegayaan in Maanta halkaasi uu ka furmayo Wajigii ugu dambeeyay Shirka Madasha Wadatashiga qaran oo lagu Go’aaminayo nooca doorasho Ee soomaaliya.
Iyadoona halkaasi ay xiligan Ku suganyihiin Ma’uuliyiin ka tirsan dowlada Fedraalka Soomaaliya oo uu qeyb kayahay Gudoomiyaha golaha Baarlamaanka Maxamed Shiiq Cusmaan (Jawaari) Iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya .
Waxaana la sheega in Saacadaha soosocda uu Magalaada Beydhao gaari doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Iyo Xubno kale oo beesha Caalamka Ka socda.
Dhinaca Kale waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Koonfur galbeed Soomaaliya iyo kuwa dowlada fedraalka Soomaaliya ay si weyn u adkeeyeen amaanka Magaalada.
Shirkan ayaa waxa uu daba socda kuwii lagu qabtay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Soomaaliya Kismaayo iyo Magaalada garawe Ee Xaruunta M/mulka Puntland.
Halkan Ka Dhageyso
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay