DhageysoVOA: Faarax Macalin oo Runta Daaha ka qaaday, Xalka Soomaalida iyo Sir Culus sida Loo Baabi’inayo”

0
242

Nairobi(INO)-Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Gudoomiye ku xigeenkii hore ee barlamaanka Soomaliya Faarax Macallin waxa uu ka hadli doonaan weerarkii dhawaan lagu qaaday Jaamacadda magaalada Garissa oo ay ku dhinteen 148 qof kaddib markii Alshabaab soo weerartay.

FAARAX-MACALIN

Faarax ayaa si adag uga hor yimid go’aanka  Qaxootiga Soomaalida Looga Celinayo dalka Kenya, Wuxuuna sheegay inaysan Qaxootiga wax dhib ah gaysan, Wuxuu sheegay inay khalad tahay in la khasbo, Sidoo kale wuxuu sheegay inay Soomaalida u banaan tahay inay tashadaan oo dalkooda ku noqdaan.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay sida dhabta ah ee hadii daacad laga yahay ee Soomaaliya Xalkeeda lagu helayo, Wuxuuna sheegay inaysan AMISOM wax dan ah u wadin, oo qorshahoodu yahay sidii Soomaali loo sii baa’in lahaa“Umadii Xisaabtami lahayd ayaa la rabaa” Sidoo kale wuxuu ka hadlay Arinta xawaaladaha iyo Shaqsiyaadka Xiyaarada la saaray.

Ugu danbayntii wuxuu sheegay in xalku ku jiro isku tashi “Soomaali wayn inay tashataa, Somaali wali waxay ku mashquulsan tahay, Qoys-Qoys, Gobol Gobol, Daba-dhilif Daba-dhilif, Madaxdii iyo Shacaba Waa dad uun Jaajuus-nimo iyo Inay Dawlado kale daba socdaan doonaya, Hadii ay sharaf Rabaan waa inay tashadaan oo gurigooda Sifeeyaan, Maanta waxay u Oynayaan Xeradii qaxootiga, Anigu waxaan leeyahay Nairobi, Jabuuti iyo Adis-ababa waxaa ka fiican dhulkiina ee ku Qanca oo dalkiina Hagaajista”

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here