Muqdisho(INO)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hormarinta ee UNDP ayaa maanta Shan Gaari waxa ay ku wareejisay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.
Gaadiidkaan ayaa Seddax ka mid ah waxa ay yihiin kuwa madaxda loogu tala galay, halka Labada kale ay yihiin kuwa Askarta ay adeegsato, iyadoo lagu wareejiyay mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Wakiilka socday Hay’adda UNDP ee maanta gaadiidkaan wareejisay ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay waxbadan ka taageeri doonaan, sida maantaba ay gaadiidkaan u keeneen.
Xoghayaha Xafiiska joogtada ee Ra’uiisul Wasaaraha Maxamed Cali Nuur oo gaadiidkaan gudoomay ayaa isna uga mahadceliyay Hay’adda UNDP isaga oo tilmaamay in aanay ahayn markii ugu horeeysay oo deeq sidaan oo kale ah xafiiska u siiyaan.
Gaadiidkaan ayuu sheegay Xoghayaha in ay ugu tala galeen in lagu fuliyo howlaha xafiiska ee shaqada uu u hayo shacabka Soomaaliyeed.
Halkan ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.