Dhageyso:Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Soo Saarey Wareegto

0
220

Hargeysa(INO)-Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland waxa ay soo saartay wareegto ay ku mamnuucayso in dhamaan warbaahinta ka howlgasha deegaanada Somaliland laga baahiyo xayeeysiimo caafimaad, kuwaasi oo aan soo marin wasaaradaasi.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ka dib markii ay bateen waxyeelada dadweynaha kasoo gaaraysa xayeeysiisyada laga baahiyo warbaahinta kala duwan ee ay sameystaan qaar ka mid ah goobaha gaarka loo leeyahay ee caafimaadka ay dad badani dhib badan kasoo gaartay, sidaasna lagu mamnuucay Xayeeysiisyada dhanka caafimaadka ah ee aan soo marin wasaaradiisa si loo hubiyo aqoonta iyo kartida dadka goobahaasi caafimaadka ka howlgala.

Wasiir Saleebaan ayaa sheegay in tani ay dhaqan galayso 9-ka bishaan isaga oo qoraalkiisa kusii sheegay in tani lagu yareen doono waxyeelo dad badan kusoo gaartay goobaha caafimaadka oo xayeeysiin ay ku maqleen ama ku arkeen ku aadeen.

Waa markii ugu horeysay oo wareegto sidaan oo kale ah kasoo baxdo wasaaradda caafimaadka maamulka Somaliland, lamana oga tani waxa ay ka bedali karto tayada caafimaad ee deegaanada maamulkaasi ka taliyo.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here