Baraawe(INO)-iska Hor imaad kooban ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose kaasi oo u dhaxeyay Ciidamo kala Taabacsan Masuuliyiin kala shegtay in mid waliba loosoo Magacaabay Degmdaasi.
Iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Labo Ruux oo,iyadoona Wararka ay sheegayaan in la Xiray Mas’uuliyiintii sheeganayay Maamulka Degmada.
Magaalada Baraawe Ee Gobolka shabeelada Hoose ayaa waxaa ka Taagan Isqab qabsi Dhanka Maamulka ah,kadib markii rag sheegtay in loo soo Magacaabay Maamulka Degmadasai ay tageen Baraawe,iyadoona Iska hor imaad uu dhexmaray Ciidamada jooga Baraawe iyo Mas’uuliyiinta sheeganayay Maamulka Degmada Baraawe .
Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in ay Xabsiga u Taxabeen Ragii Gudaha magaalada Ku Dagaalamay Ee Isku Heystay Maamulka Magaalo Xeebeeedka Baraawe.
Gudoomiyahii Degmadaani Baraawe ayaa waxaa uu Haatan u Xiran yahay Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya ka dib Markii lagu Soo Eedeyay in uu Musuq Maasuqay Deeg Halkaasi la gaarsiyay.
Idale News Online, Baraawe.