Muqdisho(INO)-Sheikh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hay’ada culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay waxyaabaha ka dhalan kara in la xuso maalinta Jaceylka adduunka.
Sheikh bashiir, wuxuu sheegay in wax diinta Islaamka ka horjeeda ay tahay in loo dabaal dago maalinta Jaceylka adduunka iyo maalmaha kale ee la mid ah, sida uu sheegay Sheikha.
Waxa uu sheegay in waxyaabaha noocaan ah ay ka reeban tahay diinteena Islaamka dadka Soomaaliyeedna la doonaayo inay fahmaan.
Sheekha ayaa kula dar-daarmay dadka waqtiga iyo juhdiga ku bixinaayo xuska maalmaha noocaasi ah inaysan ku dhicin dunaab dhibaato u keeni karto, maadaama maalin jacel iyo wax la mid ah diinteena ay ka fog tahay.
14-February ayaa dadka qaarkood waxa ay u yaqaaniin maalinta Jaceylka waxa ayna lacago iyo hadiyado kala duwan ku bixiyaan maalintaasi awgeed.