Jowhar(INO)-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka cabanaya canshuur lagu soo rogay guryaha ku yaala magaalada Jowhar.
Waa Degmadii ugu horeeysay oo ay ka taliso dowlada Federaalka Soomaaliya oo lagu soo rogo canshuur laga qaadayo guryaha magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana intaasi dheer inay jireen balanqaadyo loo sameeyay Guddoomiyaasha xaafadaha magaalada Jowhar oo ku aadan in haddii ay dhaqaalo badan keenaan qeyb ay ku leeyihiin.
Nabadoon Muuse Sheikh Cismaan oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa sheegay in arintani ay culeys ku tahay dadka ku nool Magaalada Jowhar.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Jowhar.