Baydhabo(INO)-Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Baydhaba ee ku safra wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba ayaa cabasho ka muujiyay xirnaashiyaha wadadaasi oo isbaarooyin awgeed u go’day.
Cabashada dadka rakaabka ah ee ku safri jiray gaadiidka shaqo joojinta sameeyay ayaa ka danbeysay kadib markii mudo todobaad ah ay shaqo joojin ku jiraan gaadiidkii isticmaalayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo
Dadaka qaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in mudadaas ay wadadu xiran tahay ay jiraan dhibaatooyin ay wajeheen, gaar ahaan dhibaatada ugu badan ay tahay dhanka ganacsiga, iyo sidoo kale midda caafimaad oo dadka Magaalada Muqdisho usoo raadsan jireen.
Waxay sheegeen in dadka intooda badan ay wadada ku safri jireen maadaama aysan iska bixin Karin lacagaha diyaaradda lagu raaco oo ka qarash badan tan baabuurta lagu raaco
Halkaan Hoose ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo.