Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa khudbadiisa Sanad Guuradii 2aad ee Aas Aaska Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ugu Hadley, Arimo Dhowr ah sida; Amaanka ,Horumarka iyo Arimaha Siyaasada.
Munaasabad ayaa waxaa ka soo Qiib Galey Madaxweynaha KGS ,Gudoomiyaha BKGS iyo ku Xigeenadiisa,Wasiiro,Xildhibaano,Odayaal dhaqmeedyo,Haweenka oo ku Labesaan Dharka Hidaha iyo Dhaqanka, Dhalinyaro,AMISOM, Fanaaniin oo ay soo Ban Dhigayeen Heeso iyo Riwaayado lagu Amaanayeen Deegaanada KGS iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegey in weli garguurasho uu ku jiro Maamulkiisa isla markaana waxa xustey in Xoogo horumar ah uu sameeyey muda Kooban ee u jiro.
“ Hada ayaa istaagneyn, Wax weyn ma qabanin, waxaan rajeynaya in Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya horukac ay sameyn doonaan, waxaan leeyahay Hambalyo, kuwo jooga dalka iyo dibada intuba” ayuu yiri Shariif Xasan Sh. Aaden.
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu Sidoo ka hadlay Dagaalada ka socda Deegaanada Koonfur Galbeed .
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in loo baahan yahay Shabaab in hal meel looga soo wada jeesto, si looga guuleysto, loogana saaro Deegaanada ay ka joogaan KGS.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dhalinyarada ku jirta Shabaab ugu baaqay in ay ka soo baxaan, si Dowladda Soomaaliya ay cafis guud ugu fidiso.
“Dhalanyarada la khaldey waxaan leeyahay Ee U dhashey Soomaaliya gaar ah Degaanada KGS, Dadkiin, diintii iyo dalkiina u soo laabta” ayuu yrir shariif Xasan Sh. Aaden.
Halka Ka AQRISO: Guullaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya ay gaartey mudadii 2 Sano ee la soo dhaafey.
- Dib u dhiska Madaxtooyada KGS, wadooyinka Magaalada Baydhabo iyo Gelinta Baaliyaasha ku sheegaya cad cadeeda Degmoooyinka Baydhabo,Wanleweyne iyo Weliba Xudur oo dhawaan la geeyey. Dhismaha wadooyinka waxaa Gacan ka geystey Hay’ada ILO iyo Bulshada rayidka ee Magaalada Baydhabo.
- Dhismaha hay’ada garsoorka ee Koonfur Galbeed iyo dib u dhactirka Bankiga dhexe ee Magaalada Baydhaboo.
- Dib u dhiska Garoonka Dr. Shaati ee Baydhabo
- Dhismaha Madaxtooyada KGS Ee Baraawe iyo Garoonka Diyaaradaha Degmadaas oo dhismo ku weli lagu wedo isla markaana waxa gacan ka geystey Hay’ada SSF.
- Dib U heshiis dhoor jeer la dhex dhigey Labo bileed oo ku Dagaalmey Degmada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha hoose.
- U Sameynta degmooyimka Gobolada Bay Bakool Ciidamo gaaraya 300 askari degmo kasta marki laga reebo Degmada Ceelberde oo ka falaagowtey KGS.
- Waxa La sameeyey Idaacad Ku hadasho Afka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Waxa Baydhabo lagu qabtey Shirka Madashda Wadatashiga Qaran oo ay marti galisey Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana waxa ka soo qiib galey, Madaxda DFS, kuwa Maamul Goboleedyada, waxaana looga hadlaayey doorashada 2016.
Halka Ka AQRISO: Musuq Maasuqa iyo Guul Darooyink Ku Hubsadey Dowlada KGS 2 Sano ee la soo dhaafey.
- Madaxweyne Ku Xigeen la’aan iyo kutumusho dastuurka Koonfur Galbeed iyadoona Cahdigu uu ahaa ilaalinta Qodobada Ku Qaran Dastuurka KGS.
- Isku shaadheyn iyo tayeyn la’aan Gollaha wasiirda iyadoona wasaaradaha ay gaarayaan 29 wasaaradood oo isku dhexyacsan, kuwaasoo badankoodu aysan hada shaqeynin.
- Tayo la’aanta Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona mudanayaashu ay gaarataan 149 xildhibaan kuwaasoo bah dilan isla markaaana Mushahaarkoodu uu yahy bil weliba $200 oo kaliye.
- Hanaan Maaliyeedka oo ay ku kalsoonaan karaan Bulshada Koonfur galbeed Soomaaloya iyo Beesha Caalamka oo aysan ka jirin, iydoona Canshuur badan maalin weliba laga qaado Bulshada.
- Jir dilka, Handaada, dhaca iyo Isbaarooyinka Daadsan Gobolka Shabellaha Hoose oo weli taagan.
- Shaqo abuur la’aan dhalinta waxbatey ; ilaa iyo hada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay leedahay 28 Shaqaalle oo rasmi kuwaasoo 20 ka mid ah ay u shaqeeyaan wasaarada Maaliyada KGS, 8 kalena ay yihiin Gudiga Shaqaalaha Rayidka kuwaasoo ay taagyeeraan Hay’ada SSF iyo World Bank.
- Dhismo La’aanta hay’ad Ka hortagda Musuq Maasuqa Ka Jira Koonfur Galbeed Soomaaliya,si loo yareeyo arintaas,iyadoona Dalka Soomaaliya uu yahay dalka aduunka ugu musuq maasuqa badan,
- sida dad badn ay qabaan ; waxaa Qasriga Looga taliyo Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Baydahbo ka jira Musuq Maasuq iyo Is qaraabeysi Baahsan; aydoona dadka la Heeb ah Shariif Xasan Sh Aaden Ama Silsilada Meel ka soo galaan shaqooyinka muhiim ah loo dhiibo ama ku amar taagleeyaan Halkaas.
- Miisaaniyada 4ta Bilood ee dhawaan ay soo gudbisey wasaarada Maaliyeda KGS oo Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay meel mariyeen oo lagu tilmaamey mid been abuur ah oo lagu hunguboowey. waana fashilkii ugu Xumaa isla markaana ugu dambeeyey oo ay gaartey Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya 2 sano ee la soo dhaafey.