Baydhabo(INO)- Waxa Maanta Ururka Mis Hurty Arlaadi Deeq isugu jirta Sonkor iyo Maro-kaneecooyin gaarsiyey ku Dhowaad 40 qof oo Danyar ah isla markaana waxay isugu jireen, Naafo ,indhooliyaal , Agoomo iyo dad Masaakiin ah oo aan waxba haysan kuwaasoo ku dhibeysan Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Dadkii loo qiibey Deeqadan aya waxay wajiyadooda laga dareemayey farxad iyadoona u mahadceliyey Ururka Mis Hurty Arlaadi oo inta badan u taagan samata Bixinta iyo u Hiilanta Bulshada Tabaableysan Ee Ku dhaqan Degaanada Koofur Galbeed Soomaaliya iyo ka Qiib qaadashada arimaha samafalka.
Mis Hurty Arlaadi ayaa mar weliba waxay xoogaha Saarayaan in walaalahooda ay garab istaagaan iyaga oo ka caawinaya xaga Arimaha Bini’aadanimada, waxbarashada, caafimaadka iyo waxyaabo kale.
Si kastaba ha ahaate , Ururka Mis Hurty Arlaadi Waxaa ku Buhoobey Dhalinyaro waxbartey kuwaaso isugu jira wilaal iyo Hablo Isla markaaana qaarkooda ay joogaan Qurbaha isla markaana ka damqadey sidii dadkooda iyo dalkoda ay wax ugu qaban lahayeen.
Ugu Dambeyntii, Ma jiraan ilaa iyo hada Hay’ado ama sido kale NGO-yo taagyeera Ururka Mis Hurty Arlaadi, Waxayna dadka ku caawiyaan Lacago Jaabkooda ah oo ay iska soo aruuriyaan, Waxayna Aaminsan yihiin “Mis Huraanoo is garab sineeng”,