Dhageyso:Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay

0
270

Diinsoor(INO) Roobab Mahiigaan ah oo watay Dabaylo iyo daadad kuwasoo  dhaliyey qasaaro kala duwan ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah gobolka Bay  gaar ahaan degmada Diinsoor ee  gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya oo ay mudooyinkii u danbeeyey ka taagnaayeen abaaro ba’an.

DIINSOOR

Roobabkan Mahiigaanka ah ayaa ka da’ay deegaano ku yaalla bariga degmada Diinsoor ee gobolka Baay oo ay ka mid yihiin Kuulow,Xaawo-dhaansane iyo Raaxoole ayey saamayn xoog leh ku yeesheen Roobabkan ka da’ay halkaa.

Waxaana lasoo sheegayaa in Daadadka ka dhashay Roobka lixaadka leh ee ka da’ay tuulooyinkaas iney la tageen xoolo nool oo u badan Ari,Qayla dhaan ayaa kasoo yeeraysa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaanadaas oo dalbanaya in shacabka halkaa ku dhaqan lala gaaro gurmad deg deg ah.

Deegaanada ay Roobabkani ka da’een ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyey ka jirtay abaar ba’an oo saamaysay dadka iyo duunyada,shacabka ku nool deegaanadaas ayaa dhanka kale ku diirsaday roobabka u da’ay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here