Askarta Kenya oo Xad-gudub Jinsiga ah u geystay Haween Soomaaliyeed

0
216

Muqdisho (INO) — Ciidanka Kenya ayaa lagu eedeeyay inay Kufsi u geesteen Haween Soomaaliyeed, si lamid ah kuwa kale ee ka socda Dalalka Uganda, Burundi iyo Ethiopia oo AMISOM kawad tirsan.

Teaser Image Askarta Kenya oo “Xad-gudub Jinsiga ah” u geystay Haween Soomaaliyeed

Hay’adda Human Rights Watch, ee Xuquuda u dooda ayaa ku sheegtau Wabixin ay ka qortay Tacadiga Ciidanka AMISOM in Askarta Kenya ee ku sugan Jubbooyinka, gaar ahaan kuwa degan Duleedka Kismaayo inay Dumarka kufsadaan.

Warbxinta oo lagu ogaaday wareysi lala yeeshay Habeen la kufsaday, ayaa tilmaamaysa in Haweenka Soomaaliyeed & Gabdhaha yar yar lagu xadgudbo markii ay Raashiin iyo Biyo ka doontaan Xeryaha ay Ciidanka Kenya ka degan yihiin Gobolada Jubbooyinka.

Haweenka Dhibaatada Jinsiga ah u geesteen Ciidanka Kenya, ayaa diiday in Magacooda & Sawiradooda loo adeegsado Warbixinta Human Rights Watch, iyagoo ka baqaya in Cadaalada ay waayaan oo Dhibaato kale loo geesto.

Ciidanka Kenya & kuwa kale ee kamidka ah AMISOM waxay dalka kawadaan Dilal & Kufsi ka dhan ah Dumarka Soomaaliyeed, gaar ahaan Barakacayaasha Xeryaha Ciidanka Shisheeye.

Idale News Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here