Muqdisho(INO)- Iyadoo ay jiraan Musuq maasuqyo lagu sameeyay Doorashooyinkii XIldhibaanada ee ka dhacay Dalka ayaa waxaa soo baxay Sharci yaqaano Booqday Degmooyinka ay Doorashooyinka XIldhibaanada ka dheceen oo shaaciyay halka ugu badan ee Musuqa uu ka dhacay,
Abuukaate Cabduweli Yuusuf Cumar ayaa sheegay inuu booqday Magaalada kismaayo halkaasi oo uu shaaciyay inay dadku kala kulmeen Maamulka Jubaland iyo Gudiga doorashooyinka Cadaalad daro iyo Musuq xoogan oo dadku aad uga Xumaadeen Hanaanka doorashada oo ahayd mid lagu raali gelinayo Shaqsiyaad ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynenimada doonaya.