Dhageyso:Muumino Saciid Mursal Oo U Tartameysay Aqalka Sare Ee KGS Oo Sheegdey In Calaad Daro iyo Warqad Been Abuur Ah Laga Sameeyey

0
182

Baydhabo(INO)- Iyadoo shaley Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay lagu doortey 8 Xubnood Ee Aqalka Sare Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya u matali doonaan Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa musharax ka mid ahaa Musharaxiintii u tarmareysay Aqalka Sare Ayaa waxay sheegdey in lagu sameeyey Calaad Daro iyo Warqad Been abuur ah oo loo gudbiyey Gudiga Doorashada KGS Isla markaana waxaa loo diidey in ay gaarto Hoolka Doorashada.

Musharax Muumino Saciid Mursal ayaa waxay sheegdey in shaley loo diidey inay gasho Goobta Tartarnka uu ka socodey isla markaana waxay xustey in ay jiir dileen Ciidamo Jooga Afaafka hore Ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaliya kuwaaso sida ay sheegdey si daran u jiir dileen ayna dhigeen Xabsi oo ay ku jirtey mudo 6 saacood ah, xilli doorashadu ay socotay.

Muumino Saciid Mursal Oo Wareysi Siineysay Idale News Online ayaa waxay arintaas ku eedaysey inay ka dambeeyaan Beesha Leysaan iyo Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waa sida hadalka  ay u dhigtey e, isla markaana waxay Hoosta ka xariiqdey inuu la doonayey qofka ayada la tartamaysay inuu ku guuleysto Jagadaas, iyadoona si weyn ugu carootey warqad been abuur ah oo aysan ogeyn oo la gaarsiyey Gudiga Doorasahda taasoo sheegeysa in ay ka tanaasushey tartanka.

“ Waxa la igu sameeyey Calaad Daro, Waa la jiir diley, xabsi ayaa la dhigey xilli doorashadu ay Socotay, waxaana la ii diidey in aan gaaro Hoolka Doorashada, waxa la diidan yahay Saamiga Gabdhaha Ee 30%, waxaa la igu sameeyey warqad been abuur ah, Arintaas waxa ka dameeyeya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo doonaya in ninka ila tartameyay Soo baxo, Xilligii Doorashadu ay ka dhaceysey anigu goobta Ma joogin, waan Xirna wax tanaasul ah ma sameynin”. ayey tiri Muumino Saciid Mursal.

Sidoo kale Waxay Tilmaantey In Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya loo Geeyey  ka dib markii  6 saacadood ay ku jitey Xabsiga Magaalada Baydhabo, ka dib Magaalada loo soo daayey.

“Waxaan baaq u direya Gudiga Doorashooyinka Qaranka, Kan Koonfur Galbeed Soomaaliya , Xafiiska Siyaasada QM Ee UNSOM waxaan leeyahay Hadii Caalad  ay jirto waxaan doonaya in la hiiliyo ayaa rabo” ayey tiri. ayey tiri mar kale Muumino Saciid Mursal.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo