Dhageyso:Mareykanka oo Itoobiya ka Caawinayo Abaaraha iyo Xaalad adag oo laga soo sheegayo Dalkaasi

0
191

Jigjiga(INO)- Maraykanka ayaa kordhiyay gargaarka deg-degga ah uu siiyo dalka Itoobiya, waxa uuna ka dhigay ku dhawaad 100-million oo doolar in lagu caawiyo la dagaalanka saameyntii ay geysatay abaartii ugu xumeyd ee dalkaasi soo marta tobanaankii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa ku dhawaad 10million oo qof in ay u baahan yihiin gargaar.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in tirada dadka gargaarka u baahan ay sii laba-jibaarmayso billaha soo socda.

Abaartan ayaa ka dhalatay iyadoo aanan la helin roobabkii sanadkan la filayay.

Lacagtan dheeriga ah uu bixinayo Maraykanka ayaa gacan ka geysanaysa kordhinta barnaamijyada cunada.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-

Idale News Online, jigjiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here