Buurhakaba(INO)- Maamulka Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay iyo Boqolaal Dadweyne ayaa isugu soo baxay banaanbax lagu taagyeerayo go’aankii ka soobaxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee hanaanka doorasho sanadka 2016, kaasi oo lagu qabtay degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.
Isu soo baxa oo ahaa mid nabadeed ayaa dadkii ka qeyb galay waxa ay siteen boorar ay ku qornayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan go’aamadii ka soo baxay shirkii Muqdisho lagu qabtay ee ahaa in sanadkan doorashaa baarlaamanka ay noqoto mid ku saleysan 4.5 iyo in aqalka sare lagu saleeyo maamul goboleedyada dalka ka jira.
Maamulka Degmada Buurhakaba iyo qeybaha bulshada oo isugu soo baxay fagaaraha Degmada ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in ay taageersanyihiin go’aamadii ka soo baxay shirkii lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho ee Madasha wadatashiga Qaran.
Halkan Ka Dhageyso Wareysi aynu la yeelaney Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba iyo Wasiirka Wasaarada Waxbbarashada iyo Barbaarinta KG Soomaaliya.
Idale News Online, Buurhakaba