Dhageyso:Madaxweynaha Maamulka Bokool Sare oo beeniyay in lagu xiray Magaalada Ceelbarde

0
221

Ceelbarde (INO) —Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare, Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Mashruuc) oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay in warar saacadihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadanaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee ku sugan Degmada Ceelbarde ay halkaasi ku xireen Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare.

axmed mashruuc

Axmed Sheekh Maxamed Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare ayaa been abuur ku tilmaamay Wararkaasi waxuuna carabka ku dhuftay in uu badqabo islamarkaana uu ku sugan yahay Magaalada Ceelbarde ee Xaraunta Gobolka Bakool Sare.

Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare oo hadalkiisa sii watay ayaa waxuu ku eedeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya faafinta wararka la xiriirka in lagu xiray Degmada Ceelbarde.

Waxuu sidoo kale Madaxweynaha xusay in xiriir wanaagsan ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ugu dambeyntii, Sacaadihii ugu dambeeyay Wararakii soo ifbaxayay ayaa sheegayay in Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ay xabsiga dhigeen Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare inkastoo uu hadalkaasi gashaanka u daruuray.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Ceelberde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here