Bardaalle(INO)- Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa sheegay in ay qabteen Sargaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo qaab dhuumaaleysi ah ku joogay Degmada Bardaale.
Sargaalka oo ah Amiir ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Maxamed Warfaaa waxaana hadda Gacanta ku haya Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Degmadaasi ku sugan.
Maxamed Ciise oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Milatariga Koonfur Galbeed Soomaaliya ee jooga Degmada bardaale ayaa sheegay in Amiir Warfaa laga dhex qabtay Degmada Asagoo ku dhuumanaya,waxaana uu intaa ku daray in markii la wareystay uu sheegay inuu Shabaab mar hore iskaga baxay.
Sidoo kale Sargaalka u hadlay Ciidamada Daraawiishta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Sargaalkaan ay u gudbin doonaan Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Berdaalle