Dhageyso:Madaxweynaha Dawlada Koonfur Galbeed:’’Federaalka 50-sano ka hor ayaan ku taamaynay’’

0
241

Kismaayo(INO)-Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegay in 50-sano ka hor ay ku taamayeen in Soomaaliya uu ka hirgalo Nidaamka Federaalka.

Xasan iyo Axmed Madoobe

‘’Federaalka anngu 50-sano ka hor ayaan ku taamaynay,maanta meesha uu marayo aad ayaan ugu faraxsanahay’’Ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Halkan ka Dhagayso Codka Madaxweynaha Maamulka Koondur Galbeed.

Hadalkan ayuu ka sheegay xilli maanta uu gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland.

Wuxuu intaas ku daray in muhiim ay tahay in la wada shaqeeyo sidii loo dhamaystiri lahaa Nidaamka Federaalka.

Wuxuu intaas ku daray‘’…Waxaan rajaynayaa dadkii 50-sano ka hor Federaalka ku taamayay inay iyagu intay Hogaan noqdaan ay sidii ay u hirgali lahaa meel walba Nabaad loogu gaari lahaa ay gardaadiyaan,aad loo wada socdo ayaan rajaynayaa’’.

Si kastaba aha ahate,arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu Aas-aasan yahay Bil.

Idale News Online, Kimaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here