Kismaayo(INO)-Odayaasha dhaqanka ee jooga magaalada kimaayo oo diiday in magacooda warbaahinta loo adegsado ama lagu daabaco ayaa waxaa ay shegeen in dilalka ka dhacaya magaaladasi ay mas’uul ka yihiin maleeshiyaadka Raas kanbooni Ee jooga G/Jubbooyinka.
Halkan Ka Dhageyso
Nabadoon isagu magaciisa qariyay ayaa waxaa uu tilmaamay in meydadka sida foosha xun loo dilay oo ay ugu danbeeyeeyn kuwii shalay lagu arkay meydkooda xeebta magaaldasi ay katirsanaayeen ciidamada dowlada oo gebedha uurka laheeyd Ee lagowracay ay magaalada kismaayo kadhax qabteen Maleshiyada Raas kanbooni oo ay gacanta ugu jirtay mudadii la’la aa.
waxaa uu yiri Nabadoonka “Cidkastaa oo maamulka ka feker duwan magaalada kismaayo kuma noolaan karto waxaa ugu siidaran ciidamada dowlada somaliya Ee lagu xareeyay Jaamcada Magaalada kismaayo oo hadii banaanka ay danahooda usoo aadaan waxaa dila ciidamada maamulka jubba”.
Waxaa Dadka qafaasha ciidamo sigaar ah u tawabaran oo dadka sifool xun udila kadibna meydkooda soo dhiga xeebta magaalada kuwaas oo si dhow uga hoos shaqeya Hogaamiyaha Maleeshiyada Raas kanbooni Ee Axmed Madoowe”waxaa sidaa yiri nabadoonakan magaciisa qariyay ee kabaqanaya Maamulka KMG Ee jubba.
Idale News Online, Kismaayo.