Dhageyso:Maamulaha xarunta dhimirka ee Baydhabo oo ku baaqay in la caawiyo dadka qaba xanuunka dhimirka

0
166

Baydhabo(INO)– Dadka qaba xanuunka loo yaqaan dhimirka ama waalida ayaa la sheegayaa in sanadihii la soo dhaafay si weyn ugu soo badanayeen gudaha Magaaalada Baydhabo, sababta keentey kor i kiciddda cudurka dhimirka ayaa loo badinayaa, dhaqaale xumada dalka ka jirta, shaqo la’aanta, mukhaadaraadka iyo dowlad la’aanta Soomaaliya ku habsatey muddada dheer.

Inkastoo ay weli jiraan dad badan oo weli la il daran xanuunka dhimirka ayaa hadane waxaa magaalooyinka qaar laga hirgaliyey xarumo lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurkaasi.

Xarunta daryeelka dadka uu ku dhacay dhimirka ee magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay  ayaa waxaa magaalada ka hirgaliyey dad iskood isu xil qaamay.

Mudadii ay furneyd xarunta waxaa rabbi caafimaad ku siiyey in ka badan iyadoo haatan ay ku jiraan oo lagu xanaaneeyo dad kor u dhaafaya 70 qof.

Dr. Aaden Maxamed Gentelman Maamulka xarunta dhimirka Ee Baydhabo oo la hadlay IdaleNews.com ayaa sheegay inay ahayd u jeedka loo hirgaliyey dhismahan, kadib markii ay arkeen dad badan oo ku dayacan wadooyinka magaalada.

Xaruntan lagu xanaaneeyo dadka la’ il daran dhimirka ayaa ah xarun dhismaheeda Si weyn ugu qiib qaateen Wasaarada Caafimaadaka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’ada DDG.

Ugu dambeyntii, Maamululaha xarunta Dr. Aaden Gentelman ayaa bulshada ku nool Koonfur Galbeed, Soomaaliya iyo weliba kuwa dibadda jooga ugu baaqay in ay ka qayb qaataan  Caawinta Bukaanada Ku Jira Xuranta.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Wariye Faysal Dhaayow, Idale News Online Baydhabo