Hadalka Danjire Keating oo Muujiyey Hal arrin oo Soomaaliya Haysata iminka

0
192

Muqdisho (INO) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka digay in Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ay awoodooda uga faa’iideystaan Xildhibaanada cusub ee BFS.

Michael Keating, waxa uu sheegay in walaaca ugu badan ee haya Beesha Caalamka uu yahay in Hogaamiyayaasha ay qaabab kale u isticmaalan Xildhibaanada waxa uuna tilmaamay inay suuragal tahay in codadkooda laga iibsado Musharaxiinta.

Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka ay ka digeyso in Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ay Xildhibaanada cusub ku khasbaan inay u codeeyan Musharaxiin gaara.

”Waxaan walaac ka muujineynaa in Hogaamiyayaasha ay Xildhibaanada u isticmaalan sida kuwo aan xor aheyn, waxaa suuragal ah in Xildhibaanada qaar lagu cadaadiyo inay u codeeyan Musharax uusan taagersaneyn, taasina waxa ay dhibaato u horseedi kartaa hanaanka doorashada dalka”

”Waxaan si hordhac ah u helnay warbixino muujinaaya in Hogaamiyayaasha Gobolada ay Musharaxiinta kula heshiinayaan codadka Xildhibaanada cusub”

Michael Keating, waxa uu sheegay in arrintaasi ay horseedi karto in Xildhibaanada cusub ay u afduubnaadan Hogaamiyayaasha.

Ugu dambeyntii, Haddalka Michael Keating ayaa caddeyn kale u ah madaxda Soomaalida ay ku jiraan gumeysi dadban, dalkana uusan ahayn dal ay xukunkiisa u madax banaan yihiin.