Dhageyso:Jen. Cali Gaab “Aniga ma qabo 100% Hoobiyeyaasha la soo tuuro in Al-Shabaab kaliya yihiin”

0
267

Muqdisho(INO)— Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in falalka amni darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho aanay kaliya ka dambeyn Al-Shabaab, balse ay jiraan dad kale oo si xun wax ku raadinaya.

Halkan Ka Dhageyso

“Aniga ma qabo 100% hoobiyeyaasha baabuurta gadaal laga feedo laga soo tuuro in Al-Shabaab kaliya yihiin, mana ahan dagaal caalami ah, waa kuwo diidan nabada iyo nolosha dadka ama si kale wax ku raadinaya”ayuu yiri Cali Gaab.

Waxaa uu sheegay in dhowr jeer weeraro sidan ah laga hortagay, isagoo xusay in meelihii u dambeeyay ee madaafiicda laga soo tuuray ay ahaayeen goobo la deganaa, xataa mid laga soo tuuray dhismo dabaq ah hoostiisa ay korkiisa ciidamo saarnaayeen.

“Dad ayaaba caqligooda mooda in garaado iyo sumcad lagu helayo, ama raba xil xoog iyo qajajac inay ku helaan, reer Muqdisho waxaa ka ravnaa hadaan anaga arkin iyaga ayaa arkaya, ciidamada ayay wici karaa ama dad wadaniyiin ah, ha nagu soo wargeliyaan”ayuu yiri Taliye Cali Gaab.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa dhowana sheegtay in hoobiyeyaashoo dhowaan lagu soo tuuray Madaxtooyada iyo xaafadaha u dhow dhow loo qabtay tiro dad ah iyo gaadiid looga shakisan yahay in hoobiyeyaasha laga soo dhex tuuray.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here