Baydhabo(INO)- Wasaaradda Waxbarashad iyo Barbaarinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Sheegtey in mar kale sanadkan ay qaadeyso Imtixaan mideysan.
Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Caziiza Sheekh oo wareysi siisey idalenews.com ayaa sheegdey in wasaaradu ay wado isku daba ridka howlahaa Imtixaanka Mideysan ee Laga qaadi doono ardeyda Iskuulada Ku yaallaan Degmaada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Caziiza Ayaa sidoo kale timaantey in Wasaaradaha waxbarashada DFS iyo KGS ay isku kaashanayaan sidii uu u soortagali lahaa imtixaankaas mideysan ee la doonayo in guud ahaan Gobolada Dalka uu ka dhaco.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo