Muqdisho(INO)-Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo Maanta Shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo diiday Shaqadii uu u hayay Shacabka Soomaaliyeed isla markaan ay istaagtay Shaqadii Xafiiskiisa.
Waxa uu tilmaamay in Shaqada Xafiiska laga joojiyay Madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana Shaqaalaha iyo Asagaba loo diiday in ay galaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu sidoo kale eedeen u jeediyay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo uu sheegay in ay dhibaato u geysteen gaari uu watay.
Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamay in naftiisa ay halis ku jirto waxa uuna xusay in mudo dheer Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka uu ku yaallay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya isla markaan uusan ogeyn sababta loogu diiday in Xafiiskisa uu ku shaqeeyo Gudaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.