Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Uhanjabtay Kooxda Mayalka Adag Ee Al Shabaab

0
225

Baydhabo(INO)-Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) ayaa ku goodiyey inay dhawaan bilaaban doonaan duulaan lagu sifeenayo Ururka Al Shabaab.

My beautiful picture

Waxa uu Cabdifitaax Geeseey hadalkaan ka sheegay Shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Baydhabo isagoo tibaaxay in Al Shabaab iyo iyaga la arki doono cida dagaalka ku guuleysata.

Halkan Ka Dhageyso.

Wasiir Geeseey oo sii hadlaya waxa uu sheegay in dhawaan Wasiirada Maamulka K/Galbeed Soomaaliya la hor dhigay qorshe ah in la xasilinayo deegaanada Maamulkooda ku magacaaban iyo in la amaankeeda la sugayo Baraawe oo Xarun u ah Maamulkaasi.

Sidoo kale Cabdifitaax Ibraahim Geeseey waxa uu sheegay inay Shacabka ka codsanayaan kala shaqeynta Sugida Nabad gelyada ayna soo sheegaan wixii fadqalalo Amni daro ah abuuraya.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here