Muqdisho(INO)-Dowlada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u saxiixday heshiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta.
Ka dib xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday iskuul ku yaalla caasimadda Muqdisho ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ku saxiixay heshiiska,waxaana madasha shirka goob joog ahaa wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicklos Key iyo madax kale oo caalami ah.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiishkan December ee sanadkii la soo dhaafay,waxayna Soomaaliya ka mid noqoneysaa dalkii 194-aad ee saxiixa heshiiska xuquuqda carruurta oo ay Qaramada Midoobay billowday 26 sano ka hor.
Halkan Ka Dhageyso.
“Ansixinta dowladda federaalka Soomaaliya ee Heshiiska Xuquuqaha Carruurta waa maalgelin ay dowladda Soomaaliya ku sameyneyso wanaagga carruurteeda, waxayna sidaas ku maalgelisey mustaqbalka bulshadeeda,” ayaa uu yiri Anthony Lake oo ah Agaasimaha Fulinta ee UNICEF.
UNICEF ayaa ammaantay tallaabada ay qaadday dowladda Soomaaliya, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay in ka taageerto dowladda dadaal kasta oo ku aaddan wanaajinta xaaladda carruurta iyo dhaqan-gelinta heshiiska.
“Farriinta ugu muhiimsan ee Heshiisku waa in ilmo kasta uu mudan yahay in uu noloshiisa ku billaabo qaab caddaalad ku dhisan,” ayaa uu yiri Anthoney Lake.
Heshiiskaan ayaa ku qotoma sidii daryeelka asaasiga ay u baahan yihiin carruurta Soomaaliya u heli lahaayeen.
Idale News Online, Muqdisho.