Gedo(INO)-Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay isku dhiibistii Sakariye Ismaaciil Axmed oo ahaa ku xigeenkii Axmed Godane, kaasi oo isku dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya.
Sakariye ayaa iska dhiibay gobolka Gedo waxaana la sheegay in ciidamada dowlada Kenya ay isku dayeen inay si xoog ah kula wareegeen laakiin waxaa kasoo horjeestay saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Gedo.
Halkan Ka Dhageyso.
Dowlada Soomaaliya ayaa wado qorshe la doonayo in diyaarad lagu keeno magaalada Muqdisho sarkaalkaasi oo ka tirsanaa Alshabaab.
Alshabaab ayaa dhankooda sheegay in Sakariye Ismaaciil uu kagoostay dhankooda muddo laga joogo sanad.
Idale News Online, Gedo.